Wasiir Ahmed Moallim Fiqi oo maanta warbixin ka dhageystay guddi howleedka wasaaradda ee arrimaha dowladaha hoose

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta warbixin ka dhageystay guddi howleedka wasaaradda ee arrimaha dowladaha hoose, iyada oo xoogga lagu saaray Dib u Eegista Hannaanka Dowlaha Hoose ee Wadajir.

Dib u Eegistan Wadajir ayaa ka imaaneysa iyada oo la eegayo xaaladaha cusub ee dalka, dib u xorreynta iyo Dig u Eegisyada kale ee Hannaannada Xasillinta iyo Dhab u heshiisiinta, waxaana qeyb ka ah talo soojeedin hannaanka dhismeyaasha dowladaha hoose sida xasillin, bogsiin, dib u heshiisiin, bixinta adeegyo, kobcin xiriirka bulshada, taageerada sharciyadda dowladda iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa soojeediyay in barnaamijka Dib u Eegista ee la wado uu xoogga saaro arrimo ay ku jiraan maamul daadejinta iyo in deegaannada ka dhacaan doorasho qof iyo cod, la diiwaangeliyo, laguna dhiirigeliyo bulshada xulashada dadkii matali lahaa si ay u helaan adeegyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...