Wasiir Ahmed Moallim Fiqi oo maanta warbixin ka dhageystay guddi howleedka wasaaradda ee arrimaha dowladaha hoose

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta warbixin ka dhageystay guddi howleedka wasaaradda ee arrimaha dowladaha hoose, iyada oo xoogga lagu saaray Dib u Eegista Hannaanka Dowlaha Hoose ee Wadajir.

Dib u Eegistan Wadajir ayaa ka imaaneysa iyada oo la eegayo xaaladaha cusub ee dalka, dib u xorreynta iyo Dig u Eegisyada kale ee Hannaannada Xasillinta iyo Dhab u heshiisiinta, waxaana qeyb ka ah talo soojeedin hannaanka dhismeyaasha dowladaha hoose sida xasillin, bogsiin, dib u heshiisiin, bixinta adeegyo, kobcin xiriirka bulshada, taageerada sharciyadda dowladda iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa soojeediyay in barnaamijka Dib u Eegista ee la wado uu xoogga saaro arrimo ay ku jiraan maamul daadejinta iyo in deegaannada ka dhacaan doorasho qof iyo cod, la diiwaangeliyo, laguna dhiirigeliyo bulshada xulashada dadkii matali lahaa si ay u helaan adeegyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...