Madaxweynaha Mareykanka oo ergey gaar ah u magacaabay Kuuriyada Waqooyi

Date:

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad, ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu u magacaabay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda, ergeyga cusub ee arrimaha xuquuqul insaanka ee Kuuriyada Waqooyi.

Magacaabista Julie Turner, ayaa timid ka dib markii jagadan ay bannaaneed muddo Lix sano ah, haba ugu badnatee xilligii uu talada hayay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaasi oo wada hadallo heer sare ah la yeeshay Xukuumadda Pyongyang.

Turner, oo ah Diblamaasi ku hadla Afka Kuuriyaanka, sidokalana madax ka ahaa Xafiiska Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Bariga Aasiya iyo Baasifigga ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayuu Joe Biden, u xushay inuu noqda ergeyga xuquuqul insaanka ee Kuuriyada Waqooyi.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Turner, uu xafiiska Bariga Aasiya iyo Baasifigga, u adeegay in ka badan 16 sano, waxaana hadda looga fadhiyaa inuu diiradda saaro dadaallada la xiriira horumarinta xuquuqda aadanaha ee Waqooyiga Kuuriya.

Xilkan ayaa bannaanaa tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii markaas oo uu xilka iska casilay Robert King, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...