Dowladda Burkina Faso oo ciidanka Faransiiska u qabatay inay bil gudaheed uga baxaan dalkeeda

Date:

Burkina Faso ayaa weydiisatay France inay ciidankeeda dalkaas ugala baxdo muddo bil gudaheed ah, sida ku cad warqad diblomaasi oo mas’uuliyiinta ay u direen Paris, taasi oo ay heshay wakaaladda wararka AFP.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa Axaddii sheegay in Paris ay sharaxaad ka sugeyso Burkina Faso kadib markii militariga xukuma dalka ay sheegeen inay doonayaan in ciidamada Faransiiska ay ku baxan bil gudaheed.

Macron ayaa ku baaqay “taxaddar badan” isaga oo sheegay inuu jiray “jahwareer badan” oo ku saabsan hadallo ay warbaabinta sheegeen inuu jeediyey hoggaamiyaha militariga Ibrahim Traore.

“Waxaan sharaxaad ka sugeynaa Mr Traore,” ayuu Macron u sheegay wariyeyaasha.

Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda, oo ku taariikheysan Arbacadii, ayaa soo afjareysaa heshiikii 2018 ee ciidamada Faransiiska lagu geeyey halkaas, waxayna u qabatay muddo bil ah bixitaankooda.

AFP ayaa warqadda ka heshay ilo-diblomaasiyadeed oo Burkina Faso ah, kuwaas oo aan xaqiijin in Faransiiska ay qireen helitaanka warqadda iyo in kale.

Mar wax laga weydiiyey warqadda, xafiiska madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay inay weli sugayaan xaqiijinta mowqifka Burkina Faso.

Wakaaladda Wararka Burkina Faso ayaa Sabtidii werisay faah-faahinta codsiga, islamarkaana ilo-wareedyo ku dhow dowladda ayaa u xaqiijiyey AFP.

Ilo-wareedka ayaa sheegay in tani aysan ka dhigneyn “in xiriirka loo jarayo Faransiiska balse wargelinta ay quseyso kaliya soo afjaridda iskaashiga militariga.”

Faransiiska ayaa waxaa Burkina Faso ka jooga 400 oo askari si ay ula dagaalamaan jihaadiyiinta, hase yeeshee xiriirka labada dal ayaa xumaaday bilihii dhowaa.

Tan iyo markii militariga ay xukunka qabsadeen September, waxaa jiray dibadbaxyo dhowr ah oo ku baaqaya inay dalka ka baxaan safiirka iyo ciidamada Faransiiska.

Waxaa jira astaamo muujinaya in Burkina Faso, ay si la mid ah dalka deriska la ah ee Mali, ay u weecanayaan iskaashiga Ruushka.

 

AFP

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...

Kulan looga hadlayay ilaalinta carruurta ee ka hortagga colaadaha hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali...