Guddiga Farsamada ee Shirka Dib u Heshiisiinta oo booqday dhammaan goobihii iyo guryihii wax yeelada ka soo gaartay daagalkii Baydhabo

Date:

Guddiga Farsamada ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeedย  oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Mudane Yuusuf Wadani iyo guddiga odayaasha dhaqanka ayaa maanta waxay kormeereen dhammaan goobihii iyo guryihii wax yeelada kasoo gaartey 23-kii December weerarkii ka dhacay hoygii u kireysnaa Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeti.

Guddiga oo gudanaya waajibaadkiisa ku aaddan odoroska dhacadadii ayaa waxa ayย  booqdeen dhaawacyadii ku wax yeeloobay shaqaaqadii kaย  dhacday guriga oo meelo kala duwan yaaalaan iyo ispitaalka guud ee Gobolka Bay, u jeedada booqashooyinka oo aheyd in ay qiimeeyn ballaaran ku sameeyaan khasaarihii isugu jira dhimashada dhaawaca iyo bur burka hantida shacabka si xal loogu gaaro.

 

Sidoo kale kormeerka waxaa ku wehliyey Guddiga Odyaasha Dhaqanka ee loo xilsaaray qiimeynta qasaarihii ka dhashay shaqaaqadii.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale