DFS oo tacsi u direysa shacabka,Ciidanka Xoogga Dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed Xasan (Xasan Tuure)

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u direysa shacabka, Ciidanka Xoogga Dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed Xasan (Xasan Tuure) oo saaka ku shahiiday weerar naf la caari ah oo maleeshiyaadka Khawaarijta ku soo qaadeen magaalada Galcad ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in geerida Taliye Xasan Tuure aysan marnaba niyad jebin karin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka u midoobay inay argagixisada nolosha u diiddan shacabka ay iska dulqaadaan.

“Taliye Xasan Tuure waxaa uu ku shahiiday hawlgal uu uu waddankiisa ku xorreynayo, waana geesi taariikhda ay xusi doonto, laguna xusuusan doono kaalinta uu ka qaatey in Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliya. Waxaa uu ahaa astaan u taagan in Soomaaliya laga xorreeyo Khawaarijta, kaalintiisana waxaa buuxin doona geesiyaasha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan oo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaaca waddankooda” ayuu yiri Madaxweynaha.

Taliye Xasan Maxamed Xasan (Xasan Tuure) ayaa ku shahiiday hawlgal saaka ka dhacay Galcad, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...