DFS oo tacsi u direysa shacabka,Ciidanka Xoogga Dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed Xasan (Xasan Tuure)

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u direysa shacabka, Ciidanka Xoogga Dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed Xasan (Xasan Tuure) oo saaka ku shahiiday weerar naf la caari ah oo maleeshiyaadka Khawaarijta ku soo qaadeen magaalada Galcad ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in geerida Taliye Xasan Tuure aysan marnaba niyad jebin karin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka u midoobay inay argagixisada nolosha u diiddan shacabka ay iska dulqaadaan.

“Taliye Xasan Tuure waxaa uu ku shahiiday hawlgal uu uu waddankiisa ku xorreynayo, waana geesi taariikhda ay xusi doonto, laguna xusuusan doono kaalinta uu ka qaatey in Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliya. Waxaa uu ahaa astaan u taagan in Soomaaliya laga xorreeyo Khawaarijta, kaalintiisana waxaa buuxin doona geesiyaasha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan oo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaaca waddankooda” ayuu yiri Madaxweynaha.

Taliye Xasan Maxamed Xasan (Xasan Tuure) ayaa ku shahiiday hawlgal saaka ka dhacay Galcad, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...