Wasiirka wasaaradda cadaalada iyo arrimaha Garsoorka dowlad goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Fiidow ayaa xilalka ukala wareejiyey maareeyihii hore ee Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb

Date:

asiirka wasaaradda cadaalada iyo arrimaha Garsoorka dowlad goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Fiidow ayaa xilalka ukala wareejiyey maareeyihii hore ee Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb Cabdulaahi Xasan Nuur iyo maareeyaha cusub ee dhawaan uu garoonka caasimada u magacaabey wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Galmudug.

Munaasabadan oo ay ka qayb galeen xubno kamid ah gollaha wasiirada, mas’uuliyiinta shirkadaha Diyaaradaha iyo marti sharaf kale ayaa lagu faaqiday sida ay muhiimka u tahay in isbadalkani maamul ee garoonka uu horseedo in lala yimaado wax qabad muuqda.

Cabdulaahi Xasan Nuur maareeyaha xilka wareejiyey ayaa goobta ka sheegay in booskani loo magacaabay xili aysan jirin wax diyaarado ah oo Garoonka kasoo daga balse howshii ay soo bilaabeen isaga iyo ragii lasoo shaqeeyay ay soo gaartay meel uu filayo in ay kasii wadi karaan maamulka cusub ee xafiiska kala wareegaya.

Cabdiwali Cali Faarax maareeyaha cusub Garoonka Diyaaradaha ayaa dhankiisa uga mahad celiyey agaasimihii isaga ka horeeyay oo uu sheegay in uu noqon doono geed fadhi uu talada kula laaban doono.

Wasiirka wasaaradda cadaalada iyo arrimaha Garsoorka dowlad goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Fiidow ayaa ugu dambeyn tilmaamey in qori isku dhiibka maamul laga qaadan karo sii wadista shaqadii hore ay usoo dhaqaajiyeen agaasinkii hore.

Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb oo sugayaa bilaabida mashruuc balaaran oo dib u dhis iyo balaarinba leh ayaa iminka yeelanaya Maareeye cusub oo mudo dheer kamid  ahaa bahda shirkadaha Diyaaradaha ee garoonkan kala soo bilaabey furitaankiisii.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...