Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo bogaadiyay howl-gallada ka socda Galmudug.

Date:

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka MD Xasan Cali Khayre ayaa Bogaadiyay Howlgallada Ciidamada Qaranka iyo xooggaga deegaanku Khawaarijta uga xoreeyeen Xarardheere,Galcad iyo Ceeldheer.

“Waxaan Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamada Kacdoonka shacabka uga tacsiyaynaa dadka shacabka ahaa, saraakiisha iyo ciidamada ku geeriyooday qaraxyada iyo weerarada naf-lacaariga ahaa ee kooxda Khawaarijtu ay la eegteen fariisimaha ciidamada iyo Masaajidda” ayuu yiri Mr Khayre

Waxaan bogaadinayaa Halganka Shacabka iyo CXDS ee deegaanadda wali gacantooda ku jira looga xoreynayo dhiig cabyada khawaarijta ah ee ummadda iyo Dalkaba naafeeyay. Waxaanna markale shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in loo midoobo cirib tirka kooxda Khawaarijta ah” ayuu sii raaciyay mudane Khayre.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...