Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo kala duwan la qaatay ka qayb galayaasha Shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo maalintii labaad ku sugan Magaalada Baydhaba ee Xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku howlan sidii uu hannaan loo wada dhanyahay ugu furmilahaa Shirweynaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa goordhow furidoona Shirkan oo ay ka qayb galidoonaan Madaxda sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta, wax garadka iyo qaybaha bulshada deegaanka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyah Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulamo kala duwan la qaatay ka qayb galayaasha Shirkan oo ay ku adkeeyeen muhiimad deegaanka iyo dalkaba u leeyahay qabsoomidda Shirkani.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...