Guddoomiyaha Golaha shacabka BFS ayaa Kulan looga hadlayay adkeynta ammaanka Baydhabo kula qaatay saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan saacado socday la qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS.
Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda iyadoo saraakiisha ciidanka ATMIS ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS u sheegeen in ay sugi doonaan amniga guud ee magalada, goobta shirka lagu qabanaayo ee Baydhabo, wufuuda imaaneysa iyo amniga madaxda qaranka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS isagoo ku dhiirageliyay in laga taxdaro kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadashaqeyaan amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...