Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah furay Shirweynaha Banbaxa gobolka Banaadir {Sawirro}

Date:

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahla Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maaşta si rasmi ah u daahfuray Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir Ivo Dowladda Hoose ee Xamar oo socon doono mudda 3-Cisho ah.
Ujeedada Banbaxa Gobolka Banaadir waxuu ku salaysanyahay is-barasho iyo in la isu keeno guud ahaan Maamulka sare, Agaasimayaasha iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka ee Magaalada Muqdisho, si loo hagaajiyo dib-u-habayna loogu sameeyo qaab-dhismeedka shaqo ee Maamulka Gobolka Banaadir, iyo in Gobolku yeesho aragti wadareed iyo Qorshayaal istaraatiijiyadeed kuna salaysan sidii loo hagaajin lahaa Adeegyadda Bulshada ee Magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay in la helo Qaab-dhismeed sawiran oo ku dhegan qayb walba iyo degmo walba ee Gobolka Banaadir ah, waxaana la filayaa in Banbaxaan laga soo saari doono qorsha siyaasadeed si cad loo aqoonsan karo, sida xilalka, waajibaadka masuuliyadaha shaqaalaha iyo in si qoto dheer ah loo eego Xeerka Gobolka Banaadir isla markaana la waafajiyo shuruucda kale ee heer Federaal isla markaana la hindiso xeer-hoosaadyo Gobolku ku howl galo kuwii horena dib u qaabayn lagu sameeyo.
Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha Guud ee Maamulka Banaadir oo madasha ka hadlay ayaa si wadajir ah u xusay in shir weynahaan Banbaxa oo noqon doono mid ahmiyad gaar u leh horumarinta Caasimadda, fulinta adeegyada bulshada, hogaaminta siyaasada cad ee Gobolka iyo islaxisaabtan ku aadan gudashada waajibaadka Shaqo.
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shirkan daahfuray ayaa fariin dardaaran ah u diray madaxdii shirkan ka qeyb gashay in si hufan oo Alla ka cabsi leh loogu adeego bulshada, islamarkana aan la aqbali doonin Musuq-Maasuq iyo wax dabamarin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Madaxweyne Xasan Sheekh’’ Xalka colaadda DRC waa in uu ku saleysnaadaa is-afgarad iyo nabad’’

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya iyo Turkiye oo bilaabaya hannaan iskaashi ee dhanka Macdanta (WARBIXIN

Munaasabadda lagu soo dhaweyayay Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis,...

Hamas iyo Israel oo maanta mar kale isweydaarsanaya maxaabiis

Hamas iyo Israel ayaa maanta isweydaarsanaya sadex maxaabiis oo...