Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay dagaal xoogan oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Date:

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

Dowladda Federaalka waxay ku boorineysaa dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Ammaanka iyo Kooxo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftaagreen)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...