Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo xilkii u kala wareejiyay ku simihii agaasimaha guud ee Wasaaraddaaa iyo Agaasimaha guud ee Cusub

Date:

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa xilkii u kala wareejiyay ku simihii agaasimaha guud ee Wasaaradda ahna agaasimaha waaxda maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Maxamed Amiin Maxamed iyo agaasimaha guud ee dhowaan la magacaabay Mudane Cabdiraxiim Warsame.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Marwo Fahmo Axmed Nuur, agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradda, hawlwadeenada wasaaradda iyo marti sharaf kale oo ka kala socda laamaha dowladda iyo ururrada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo hadalo kooban ka jeediyay munaasabadda xil-wareejinta ayaa u mahad-celiyay agaasimihii guud ee hore shaqadii uu wasaaradda ka soo qabtay intuu joogay, wuxuuna kula dardaarmay agaasimaha guud ee cusub inuu dardargeliyo shaqada hor-tebinta u leh wasaaradda isagoo kula dardaarmay agaasime waaxeedyada wasaaradda inay la shaqeeyaan agaasimaha cusub gacanna ka siiyaan inuu shaqadiisa guto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...