Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo maanta kulan la qaatay Guddoomiyayaasha golaha wakiilada Maamul goboledyada

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare, ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hoygiisa, waxaa booqasho iyo salaam ugu yimid guddoonnada Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug oo Muqdisho u jooga howlo shaqo.

Kulanka ayaa looga wada hadlay adkaynta xiriirka wadashaqayn ee Aqalka Sare iyo Golayaasha Xeer-dejinta Maamul dowlad Goboleedyada iyo in Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkisa dastuuriga ah uu la fududeeyo golayaasha waxyabaaha muhiimka u ah shaqooyinkooda ee uga xiran Dowladda Faderaalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku booriyay Guddoomiyayaasha in ay dardar geliyaan waajibaadka iyo howlaha shaqo ee ay u hayaan shacabka ku nool Maamulada ay matalaan oo ka sugaya dejinta Xeerar iyo sharciyo xoojinaya Dowladnimada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...