100 ka mid ah Khawaarijta Oo Lagu dilay hawlgallo Maanta dhacay.

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel Gorof ee gobolka Gagaduud, waxay ku dileen in ka badan 50 ka tirsan Khawaarijta Alshabaab

Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay khawaariijtu ku lahaayeen deegaanka Ceel Gorof, waxaana Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanku soo uruuriyeen 31 ka mid ah meydadka khawaarijta ee lagu dilay howlgalka.

Dhinaca kale Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay beeraha aaga Geeshaan ee deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 47 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa heshay xogta Khawaarijtaan oo isku aruursaday beeraha Geeshaan kuwaas oo ku howlanaa dhagarta shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo gacan ka gaystay howlgalkan guuleystay oo lagu ciribtiray shabakado Khawaarijta ka tirsan oo qorsheynayay weeraro ay ku bartilmaameedsadaan shacabka.
warsaxaafadeed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Waraaqaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirka Guddiga Qaranka ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya go’aannadeeda siyaasadeed laguma gaari karo dibadda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Soomaaliya oo tacsi u dirtay Dowladda iyo Shacabka Aljeeriya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa...