UNHCR Oo dib u dajin u sameeysay Boqol oo Qoys oo Barakacayaal ah.

Date:

Maamulka Dagmada Galkacyo ee Galmudug iyo Hay’adda UNHCR ayaa maanta dib u dajin u sameeyay Boqol oo Qoys oo Barakacayaal ah kuwaas oo ka faa’iideystay Mashruuca Xalka waara ee Dib udajinta Barakacayaasha Galkacyo

Hay’adda UNHCR ayaa maanta dib u dajin u sameeyay boqal qoys oo barakacayaal kuwaas oo horay ugu noolaa meelo aan ku habooneeyn in ay ku noolaadaan isla markaana wehel u ahaa qabowga iyo qoraxda

Boqalka qoys ee barakacayaashaa oo horay ugu noolaa lix kaam ku yaala koofurta magaalada galkacyo ayaa la dajiyay guryo dhawaan laga hirgaliyay koofurta galkacyo kuwaas oo iska kaashadeen Hay-addaha UNHCR iyo NRC kuwaas oo qeyb ka ah mashruuca xalka waara ee dib udajinta barakacayaasha

Mashruuca dib u dajinta oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta hay’adaha fuliyay duqa dagmada Galkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan sheekh xasan jimcaale iyo masuuliyiin ka socatay maamulka gobalka mudug ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Fadumo xasan cabdulle oo ka socatay Mashruuca GCBD isla markaana ku hadleysay magaca Hay’adda UNCHR

Qaar ka mida Qoysaskii ka faa’iideystay mashruucaan xalka waara ee dib udajinta Barakacayaasha ayaa iyaguna ka mahad celiyay sheegayna in muddo sugayeen

Duqa Dagmada Galkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan sheekh xasan jimcaale ayaa isna ka mahad celiyay mashruucaan oo uu sheegay in uu yahay kii u horeeyay ee laga hirgaliyo guud ahaan galmudug isagoona xusay in ay jirto baahi intaan ka badan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...