Madaxweynaha Puntland oo dalka Kenya kaga qeybgalay xaflad lagu soodhaweynayey taasi oo ay soo qaban qaabiyeen Soomaalida ku nool Dalka Kenya.

Date:

Madaxweynaha Dowladd goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay xaflad isugu jirta soo dhoweyn iyo taageerida hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland, taasi oo ay soo qaban qaabiyeen Soomaalida ku nool Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa Bulshadii isugu timi Kulanka uga mahadceliyay soo dhoweynta iyo Munaasabadda, wuxuuna la wadaagay shaqooyinka Dalka ka socda, sida horumarada laga sameeyay Amniga, Dhismaha Ciidamada, Hufnaanta Maaliyadda, Dhismaha Wadooyinka, Garoomada Diyaaradaha , Dekadaha iyo dardargelinta wejiga labaad ee Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland oo meel wanaagsan maraya.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin isugu jirta Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, Xildhibaanka Degmada Kamakunji ee Xaafadda Islii Mudane Yusuf Xasan, Xildhibaano heer Federaal iyo Heer Puntland ah, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya iyo  Wakiilka Puntland ee Kenya, qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya sida Ganacsatada, Dhaqanka, Haweenka iyo Dhallinyarada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...