Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta qaabilay wafdi ay hoggaamineysay Agaasimaha Fulinta ee heyโadda UNFPA, Dr Natalia Kanem oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.
Raโiisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay madaxda heyโadda taageerada iyo hawsha ay mudada dheer ka wadeen Soomaaliya, gaar taageerada ay siiyaan haweenka iyo gabdhaha.
Dhinaceeda ayaa Agaasimaha, Dr Kanem waxa ay sheegtay inay taageersan tahay aragtida Raโiisul Wasaaraha ee ah in iyada oo la isticmaalayo waxbarashada iyo dhaqaalaha kor loogu qaado doorka haweenka iyo gabdhuhu ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, taasi oo ah qaabka ugu habboon lagu gaarsiin karo horumar la taaban waara.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahayd Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye.
