(SAWIRRO) Madaxweyne Xasan sheekh oo Caawa Gaaray Dalka Jabuuti

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaradaha magaalada Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriydda Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabuuti kaga qeyb galaya shir looga hadlayo Isbeddelka Cimilada iyo Abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa uu wada-hadallo ku qotoma iskaashiga labada dal ee dhanka amaanka iyo la dagaallanka argagixisada la yeelanayaa dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Warbixintan waxaa qoray: Abdulkadir Isse

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...