Duqa Degmada Gaalkacyo oo Maanta Degmadaas ku soodhaweeyey Wafdi Balaaran uu horkacayay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Aduunka

Date:

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo uu Wehliyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka mudug Ahmed Shire Qodaar ayaa Maanta  Degmada Gaalkacyo ku soodhaweeyey Wafdi Balaaran uu horkacayay Madaxa Hay’adda Qaxootiga adduunka (UNHCR) Filippo Grandi.

Wafdigaan ayaa Gaalkacyo u yimid inay ka ogaadaan Xaaladaha dhanka nolosha ah ee ay ku sugan yihiin dadka barakacyaasha ah ee Magaalada Gaalkacyo.

Wafdigaan ayaana soo kormeerey qaar ka mid ah kaamamka barakacyaasha ah ee Magaalada Gaalkacyo oo xiligaan adeg wajahaya Xaaladaha dhanka nolosha ah ee Magaalada Gaalkacyo.

Madaxa hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) mudane Filippo Grandi ayaa sheegay in la kordhin doono guryaha xalka waara si dib u dajin iyo gargaarba loogu fidiyo barakacayaasha waxa uuna ballanqaaday in ay kordhin doonaan dhaqaalaha lagula tacaalayo xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...