Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay Komiishanka Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka bani’aadannimada

Date:

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Komiishanka Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka bani’aadannimada Janez Lenarcic.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium-ka ahna xarunta Midowga Yurub ayaa looga hadlay kordhinta kaalmada looga jawaabayo gurmadka abaaraha, si loo baajiyo macluul markale Soomaaliya ka dhacda.

Ergeyga ayaa sidoo kale kala hadlay hirgelinta mashaariic lagu xasiliyo degaannada laga xoreeyo Kooxaha argagexisada ah oo hadda wajahaya kacdoon shacab iyo guluf dagaal oo xooggan durbana laga saaray degaanno badan oo istiraatiji ah.

Ergeygu wuxuu Midowga Yurub ka codsaday inuu Dowladda Soomaaliya ku garab istaago sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa halganka Dawladda iyo shacabka geesiyaasha ah isaga xoraynayaan argagexisada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa EU-da u sheegay in Soomaaliya ay leedahay fursad, haddii lagu gacansiiyo maalgashi dhanka beeraha, xoolaha, kaluumaysiga, macdanta iyo shidaalka ay dabooli karto baahideeda iyo baahiyo badan oo maanta Afrika ka taagan.

“Argagexisadu waa cadawga ugu wayn ee maanta hortaagan amni, nabad iyo xasilooni dalkeenna ka hirgasha”. Ayuu yiri Ergeyga gaarka ee Madaxweynaha isagoo Midowga Yurub ku boorriyay sidii Dowladda iyo shacabka Soomaaliya loogu garab siin lahaa ka xoroobidda argagexisada.

Ergeyga ayaa wali ku guda jira socdaal uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Yurub si uu adduunka ugu soo jeediyo baaxadda abaarta ka jirta dalka, deeq-bixiyayaashana ugu boorriyo in ay si aan kala har lahayn uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...