Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha oo kulan looga hadlayey abaraaha la yeeshay Madaxda Horumarinta Afrika u qaabilsan Wasaaradda Dhaqaalaha Jarmalka

Date:

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxda Horumarinta Afrika u qaabilsan Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Horumarinta Caalamiga ah ee Dawladda Jarmalka.

Ergeyga ayaa masuuliyiinta uu kulanka la qaatay uga war bixiyay dhibaatada abaaraha ka jira Soomaaliya, in dalku qarka u saaran yahay macaluul markii labaad muddo 11 sano gudahood ah iyo in weli farqi weyn uu u dhaxeeyo deeqaha la ballan-qaaday iyo baahida ay sababtay abaarta dad iyo duunyaba wax-yeelleysay.

Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarinta Jarmalka ayaa balan-qaadday in Xukuumadda Berlin ansixi doonto kaalmo cusub oo ay kaga qayb-qaadanayaan gurmadka abaaraha Soomaaliya, si looga baaqsado macluul ka daran middii 2011-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 260,000 oo qof oo carruur iyo haween u badan.

Jarmalka wuxuu kaalinta labaad ka gelayaa Dawladaha gacanta ka gaysta taageerada gurmadka abaaraha ee Soomaaliya isagoo ku xiga Dowladda Maraykanka oo kaalin mug leh ka qaadaneysa dadaallada lagu garab istaagayo dadka abaaraha iyo iska-hor-imaadyada hubeysan saameeyeen ee gurmadka degdegga ah u baahan.

Abaarta hadda ka jirta Soomaaliya ayaa ah middii ugu darnayd 40-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana u sabab ah afar xilli roobaad oo baaqday, halka xilli roobaadkii shanaad ee la sugayay bilaha October, November iyo December laga baqdin qabo in uusan u di’in si dhameystiran, taas oo kor u qaadi doonta tirada dadka ay soo food saartay cunto yarida.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wali ku guda jira socdaal uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Yurub si uu indhaha Caalamka ugu soo jeediyo baaxadda abaarta ka jirta dalka, deeq-bixiyayaashana ugu boorriyo in ay si aan kala har lahayn uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...