Madaxweynaha Puntland iyo Ururrada siyaasadda oo Heshiis Gaaray.

Date:

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni aya kulan la qaatay Ururrada Siyaasadda iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, Kulanka ayaa ahaa is xogwareysi iyo dardargelinta doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland, Cabdi Faarax Juxa iyo guddoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa la wadaagay kulanka halka uu marayo diyaargarowga dhameystirka Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Madaxda Ururada Siyaasadda Puntland ee shirka ka qeybgalay ayaa iyana kulanka kusoo bandhigay aragtidooda iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay ka qeybgalaan doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka jawaabaya soojeedinta Ururada siyaasadda ayaa ku dhawaaqay in dowladdu taageero dhaqaale la garab istaagayso Ururada Siyaasadda.

Maamulka Puntland ayaa $10,000 howlgelinta koowaad siinaysa Ururkasta, iyadoo inta howsha doorashada iyo ololaha socdona bil kasta Ururkasta lasiinayo $3,000 oo joogto ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa la wadaagay kulanka in uu soo magacaabayo Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland si loo dhameystiro waxyaabaha dhinaca garsoorka ka khuseeya doorashada hal qof iyo hal cod ee goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dimuqraaddiyeynta, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa “Maanta shuruucdii adduunka waa dhammaatay,dalna ma jiri karo haddii uusan lahayn awood ciidan oo looga cabsado”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka K/Galbeed oo la kulmay saraakiisha amniga

Hoggaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...