Dhalinyaro kasoo Goostay Alshabaab oo Shaqo Abuur ka helay Galmudug.

Date:

Tiro dhalinyaro ah oo hore uga mid ahaa kuwa qalbiyadooda ay duufsadeen kooxaha qawaarijta ah ee Alshabaab, oo qaatey go’aan ah in ay isaga haraan kooxdaasi dibna ula midoobaan dadkooda kuna yimid Barnaamijka cafiska qaran ee isisoo dhiibayaasha ayaa soo dhaweyn loogu sameeyey xarunta MRC ee dhaqan-celinta maleeshiyadka oo ku taala magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Dhalinyaradan oo mudooyinkii u dambeeyey soo gaarey xerada ayaa loo sameeyay fursado dhaqan toosin, waxbarasho iyo u abuurida xirfado ay kula midoobaan dadkooda kadib markii ay dhameystaan habraacyada barnaamijka ee lasiiyo shahaadada qalin jabinta.

Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Qaran ee isisoo dhiibayasha ka soo goosto Alshabaab  Salaad Jilicow iyo Abdalla Ahmed Noor Agaasima kuxigeenka xarunta Muqdisho ee Serendi ayaa xerada MRC ee Dhuusamareeb ku yimid kormeer ujeedadiisu tahay ogaanshaha sida ay u shaqeyso xeradan oo Dhuusamareeb laga furay 2022.

Iyagoo soo dhaweeyay dhalinyarada ka timid fikirka qaldan ee Argagaxisada isla markaana xooga saarayey sidii loo balaarin lahaa howlaha dhaqancelinta Galmudug madaama ay dagaalo kufuran yihiin kooxda qowleysatada ah ee Alshabaab taasina sababtay in ay dhalinyaro badan oo ka faa’iideysanaya awood burburka kooxda ay iskasoo dhiibayaan xeryaha dhaqan celinta.

“Ka dowlad ahaan waxaan fursad walaalnimo, Soomaalinimo Iyo Dhalin yaro ahaanba siinaynaa cidkasta oo kasoo baxday fikirka Xaqjirka, waxaan dhisaynaa Nolasha isasoo dhiibayaasha, mana la kulmi doonaan wax Dhibaato ah” ayuu Yiri Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Qaran ee isisoo dhiibayasha ka soo goosto Alshabaab  Salaad Jilicow iyo Abdalla Ahmed Noor

Dhalinyarada katimid fikirka xagjirnimada ee doortay in ay bulshadooda si nabdoon ula midoobaan ayaa xeradan ka helay waxbarsho, waxaana mid walba oo dhalinyarada ka mid ah la siiyaa duruus joogta ah oo ay wehliso barashada xirfad uu isagu doortay taasi oo noqoneysa tan uu noloshiisa ku maareysan doona marka uu dhameysto mudada dhaqan celinta sida uu sheegey Abdirahman Maxamed Cali agaasimaha xarunta MRC ee Dhuusamareeb.

Kororka tirada dhalinyarada Iska soo dhiibay deegaanada Galmudug ayay qayb weyn ka qaadatey tan iyo markii la furay xarunta dhaqan celinta isisoo dhiibayaasha maleeshiyadka ee MRC Dhuusamareeb, taasi oo iminka ay kujiraan dhalinyaro aad u badan oo badankood yimid bilihii u dambeeyey…

xarunta MRC
Abdalla Ahmed Noor Agaasima kuxigeenka xarunta Muqdisho ee Serendi

Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Qaran ee isisoo dhiibayasha ka soo goosto Alshabaab ee DRP Salaad Jilicow

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...