Maamulka Gobolka Iyo Kan degmada Galkacyo oo lakulmay Saraakiil ka socatay Hay’adda W.F.P (SAWIRO)

Date:

Kulankaan oo uu shir gudoomiyay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar sidoo kalana ay goob joog ka ahaayeen duqa Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan Sheekh xasan iyo xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Dagmada Galkacyo ayaa Maanta magaalada Galkacyo ku dhaxmaray Saraakiil ka socatay Hay’adda W.F.P ee Qaramada midoobay masuuliyiinta Gobalka iyo kuwa dagmada Galkacyo

Xubnahaan ayaa waxaa hogaaminayay isku xiraha gurmadka deg deg ah ee Hay’adda W.F.P. waxaana labada dhinac ay kaga wada hadleen arimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta Gurmadka la gaarsiinayo Barakacayaasha ku sugan deegaanada Gobalka mudug iyo xeryaha ay soo magansadeen Qoysaska Abaaraha kusoo xoola beelay ee ku yaala duleedka magaalada Galkacyo

Kulanka kadib ayaa saraakiishii ka socatay W.F.P iyo masuuliyiintii Maamulku Waxa ay kormeer ku tageen qaar ka mid ah kaamamka ay ku nool yihiin qaar ka mida barakacyaashii u danbeeyay ee soo miciin biday Galkacyo

Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Axmed Maxamed Shire iyoDuqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan sheekh xasan ayaa uga k mahad celiyay Hay’adda W.F.P barnaamijka kaalmeynta dadka barakacyaasha ah ee xiligaan Adeg la daalaadhacaya abaaraha ka jira
guud ahaan deegaanada Gobalka Mudug ee hoostaga DG Galmudug

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...