Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo ku guuleystay in dib loo furo koontaroolada Magaalada Galkacyo kuwaas oo maalmihii u danbeeyay u xirnaa ciidan beeleed tabashooyin qabay

Date:

Maamulka Gobalka Mudug Galmudug ayaa ku guuleystay in dib loo furo koontaroolada Magaalada Galkacyo kuwaas oo maalmihii u danbeeyay u xirnaa ciidan beeleed tabashooyin qabay.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ahmed Bukhaari ayaa dadaal dheer u galay sidii looga qaadi lahaa ciidamo beeleed ku sugnaa koontaroolada sidoo kalana dowladd gobaleedka Galmudug ay u xalin lahaayeen waxyaabaha sababay in in maleeshiyaad kasoo jeeday beel ka mida beelaha galmudug ay xirtaan kontaroolada taas oo keentay caqabad ka dhalatay xirnaashiyaha koontaroolada taas oo ah in gabi ahaanba ay hakad galaan isku socodkii iyo dhaq dhaqaaqyadii ganacsi ee isaga kala gudbi jiray goballada dhaxe iyo kuwa koofureed ee dalka

Gudoomiyaha Gobalka Mudug Axmed xuseen shire Bukhaari ayaa si loo furo koontaroolada u joogay caasimada Galmudug ee dhuusa mareeb isagoona kala hadlayay madaxda Galmudug xal ka gaarista dhibaatada abuurtay in maleeshiyo beeleed careysani ay xirtaan koontaroolada ugu danbeyna gudoomiiyaha gobalka oo kaashanaya cuqaasha iyo waxgaradka ayaa ku guuleeystay in caawa dib ay u furmaan sadax koontarool oo ku yaalay magaalada Galkacyo dhanka dowlad Gobaleedka Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...