Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo ku guuleystay in dib loo furo koontaroolada Magaalada Galkacyo kuwaas oo maalmihii u danbeeyay u xirnaa ciidan beeleed tabashooyin qabay

Date:

Maamulka Gobalka Mudug Galmudug ayaa ku guuleystay in dib loo furo koontaroolada Magaalada Galkacyo kuwaas oo maalmihii u danbeeyay u xirnaa ciidan beeleed tabashooyin qabay.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ahmed Bukhaari ayaa dadaal dheer u galay sidii looga qaadi lahaa ciidamo beeleed ku sugnaa koontaroolada sidoo kalana dowladd gobaleedka Galmudug ay u xalin lahaayeen waxyaabaha sababay in in maleeshiyaad kasoo jeeday beel ka mida beelaha galmudug ay xirtaan kontaroolada taas oo keentay caqabad ka dhalatay xirnaashiyaha koontaroolada taas oo ah in gabi ahaanba ay hakad galaan isku socodkii iyo dhaq dhaqaaqyadii ganacsi ee isaga kala gudbi jiray goballada dhaxe iyo kuwa koofureed ee dalka

Gudoomiyaha Gobalka Mudug Axmed xuseen shire Bukhaari ayaa si loo furo koontaroolada u joogay caasimada Galmudug ee dhuusa mareeb isagoona kala hadlayay madaxda Galmudug xal ka gaarista dhibaatada abuurtay in maleeshiyo beeleed careysani ay xirtaan koontaroolada ugu danbeyna gudoomiiyaha gobalka oo kaashanaya cuqaasha iyo waxgaradka ayaa ku guuleeystay in caawa dib ay u furmaan sadax koontarool oo ku yaalay magaalada Galkacyo dhanka dowlad Gobaleedka Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...