Saraakiil milateri oo sheegay inay xukunka ka tuureen Hoggaamiyihii Burkina Faso

Date:

In ka badan 10 askari ayaa la wareegay telefiishanka qaranka ee dalka Burkina Faso xilli dambe oo Jimcihii ah, iyaga oo shaaciyey in Lt. Col. Paul Henri Sandaogo Damiba oo ahaa hoggaamiyihii dalka ku qabsaday inqilaabka ee isu bedelay inuu madaxweyne ka noqdo dalkaas, in xilkii laga tuuray.

Sagaal bilood uun ka hor ayay ahayd markii uu Lt. Col. Damiba, uu inqilaabka ku qabsaday xukunka dalkaas.

War qoraal ah oo laga akhriyey telefiishanka ayaa lagu sheegay in Capt. Ibrahim Traore uu yahay hoggaamiyaha cusub ee ciidanka milateriga ee dalka Burkina Faso.

Hoggaamiyayaasha cusub ee milateriga ee Burkina Faso ayaa sheegay in la xidhay dhammaan xuduudaha dalka, isla markaana dalka lagu soo rogay bandow ka bilaabmaya 9-ka fiidnimo illaa 5-ta subaxnimo. Waxay ku dhawaaqeen in la kala diray dawladdii ku meel gaadhka ahayd iyo golihii qaranka.

Madaxweyne Damiba iyo xulafadiisa ayaa hore u inqilaabay madaxweyne si dimoqraadi ah loo soo doortay, isagoo la yimi ballan-qaadyo ah, inuu dalka ka dhigi doono mid ammaan ah.

Si kastaba ha ahaatee, rabshadaha ayaa ayaa u sii socday si aan kala joogsi lahay, waxaana sii kordhay niyad-jabka ay bulshadu ka muujisay hoggaamintiisa.

“Iyada oo la waajahayo xaalad amni oo ka sii daraysa, ayaa arrintaasi nagu dhiiri gelisay, haddaanu nahay saraakiisha sarsare iyo saraakiisha hoose ee ciidamada milaterigu, inaanu tallaabo qaadno, annaga oo rabna inaanu ilaalino amniga iyo sumcadda dalkayaga” ayuu yidhi afhayeen u hadlay ciidmada inqilaabka dhigay oo lagu magcaabo Capt. Kiswendsida Faaruuq Azaria Sorgho.

Madaxweynaha la sheegay in la inqilaabay Damiba ayaa hadda uun ka soo laabtay golaha guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo metelaya dawladda Burkina Faso. Damiba ayaa khudbadiisii golaha guud, ku difaacay afgembigii uu sameeyey bishii January isaga oo ku tilmaamay inay ahayd arrin ku saabsan badbaadada qaranka ee dalkiisa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...