Hawl-wadeenno ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo safar aqoon kororsi shan cisho ah ku soo qaatay magaalada Kampala ee Dalka Uganda

Date:

Hawl-wadeenno ka socda Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XJFS ayaa safar aqoon kororsi shan cisho ah ku soo qaatay magaalada Kampala ee Dalka Uganda. Howlwadeenada ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xaafiska NAO iyo mashaariic horumarineed oo uu fuliyay xafiiskaasi.

Hawl-wadeenada ayaa warbixino la xariirta daadejinta maareynta mashaariicda, hababka kormeerka, qiimeynta iyo qorshooyinka horumarineed ka dhageystay xubno sarsare oo ka socda Wasaaradda Maaliyada, Qorsheynta, Maalagshiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Wadanka Uganda.

 

Ku-xigeenka Xafiiska NAO ee Wasaaradda Qorsheynta ahna Madaxa Mashaariicda Dowladda ee EU-da Mudane Cabdi Muxumad Axmed ayaa sharaxay ujeedada socdaalka Aqoon korarsiga u lahaa howlwadeenada ka socday Wasaaradda Qorsheynta.

 

“ Waxaan safar aqoon iyo waayo aragnimo korosi loogu talagalay in howlwadeenada Wasaaradda Qorsheynta gaar ahaan Xafiiska Maareynta Mashaariicda EU ka helaan ayaan kala soo laabanay waayo aragnimo waxtar u leh dalka, waxyaabihii aan soo aragnay waxaa kamid ahaa Mashaariic waaweyn oo loo agaasimay si aad u qurux badan, sidoo kale waxaan ogaanay haddii aan helno dowlad qaangaar ah oo ku taagan dhidibbo adag in aan mashaariicda horumarinta u maareyn karno sida ugu haboon oo looga jawaabi karo baahiyaha dalkeena kajira iyadoon waxba naloo yeerin.

 

 

Sidoo kale waxaan safarkeena kusoo mareynay goobaha ay ka socdaan Mashaariicda horumarinta ee dalka Uganda waxaan ogaanay fursado badan iyo caqabada dhaca maalin walba, kuwaasoo lagu bixiyo kharash aad u badan oo dalkeena ku asteysan, si lamid ahna waxaan kasoo baranay sida ugu habboon ee qaladaadkaas loo sixi karo. Waxyaabihii aan kusoo baranay waxaa kaloo kamid ahaa Kormeerka, Qiimenta iyo Hubinta Mashaariicda, Ilaalinta Bey’adda, Shaqo Abuurka, kobcinta Dhaqaalaha & keydinta Dokumentiga. Waxaan ku dadaalnay in aan abuurno saaxiibtinimo iyo wada shaqeyn dhow ee labada xafiis ee NAO-Somalia – NAO Uganda & wasaaradda Maaliyadda, Qorsheynta & Horumarinta Dhaqaalaha ee dalka Uganda.” Ayuu yari Cabdi Muxumud.

 

Nimco Xuseen Cusmaan oo qeyb ka ahayd howladeenada sare-sare ee ka socday xafiiska NAO ee Wasaaradda Qorshetnta Qaranka ee Aqoon korarsiga ku qaatay wadanka Uganda ayaa ku qeexday inuu ahaa mid wanaagsan oo ay cashar dhaxal gal ku qaateen howlwadeenada.

 

“waxaan ka shaqeeyn doonaa inaan kordhino isku dubaridka maareynta,barnaamijyada horumarineed ee xafiiska, inta ku suganeen dalkan waxaa tagnay qeyba kala duwan oo ay ka socdaan mashaariic kala duwan ay fulinayso midowga yurub, oo ay ka mid yahiin waddooyin, xarumo dowladeed iyo qeybo kale muhiim. Khibrada iyo Aqoonta waxaa naga go”an inaa uga faa’iideeysano sida wadanka aan waddanka Uganda.”Ayey tari Nimca Xuseen Cusmaan.

 

Ujeeddada socdaalka howl-wadeenada ayaa qeyb ka ah aragtiyada hoggaanka sare ee Wasaaaradda ee ku aaddan kor u qaadida aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda si loo maareyo loona hirgaliyo yoolalka kala duwan ee Qaranka, sida ku cad Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-Aad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Rotana oo ku dhawaaqday in ay Hotel Caalami ah ka dhiseyso Muqdisho 

Maamulka Shirkadda Rotana oo ah shirkad maamusha hoteello badan...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu...

Fardowsa Maxamed Qanyare oo u hambalyeeysay Cabdi Mudalib oo galay 2aad ee tartanka Feerka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare,...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qabatay kulan looga hadlaayo Baaqii Ankara 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa...