Kalfadhigii Shanaad ee Golaha Deegaanka Dagmada Galkacyo ayaa maanta u furmay Golaha Deegaanka Dagmadaasi

Date:

Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa Maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 5aad ee Golaha deegaanka Dagmada kulankiisii koowaad kaa oo ka qabsoomay Xarunta Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo.

Kalfadhigaan ayaana waxaa ka soo qeyb galay gudoomiye Ku xigeenka Degmada Gaalkacyo Eng: Maxamed Cabdi Cilmi, Xoghayaha Dowladda Hoose, Xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.

Kalfadhiga shanaad kulankiisa koowaad ayaa waxaa diiradda lugu saaray lana soo jeediyay ajandayaal dhowr ah isla markaana ay ka mid ahaayeen miisaaniyad sanadeedka 2023_2024Xeerka ganacsiga Warbixinta kalfadhiga iyo kulanka dadweynaha.

Xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaana  ugu danbeeyn si aqlabiyad leh ku ansixiyay ajandayaashii maanta la horkeenay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...