Madaxweyne xasan sheekh oo la kulmay madaxa hay’adda lacagta adduunka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa la wadaagay tallaabooyinka wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta dib u habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay xarunta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee magaalada Washington qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku addan dayn cafinta, kobaca dakhliga iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado shaqo, dalkana looga samata bixiyo saboolnimada iyo duruufaha dhaqaale ee soo noqnoqday.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa isla qaatay dardargelinta arrimaha hortebinta u leh dowladda Soomaaliya si loo hirgeliyo qorshaha dhammeystirka hannaanka deyn cafinta ee dalkeenna.
Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorsheyaasha mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan horumarinta hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorkooda ku aaddan gurmadka abaaraha ka jira dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey hay’adda IMF taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha...