Xoghayaha Guud ee QM oo gaaray Pakistan xilli ay ka jirto xaalad adag

Date:

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqasho ku tegey dalka Pakistan, si uu garab istaag ugu muujiyo dalka Pakistan ee la baaxaa degaya, dhibaatada ka soo gaadhay daadad ku fatahay dalkaas, kuwaas oo khasaare ba’an u geystay.

Antonio Guterres ayaa sheegay ‘in ka dib markii ay aadanuhu u nixi waayeen deegaanka, inay taasi keentay masiibooyinkan oo ah falcelinta uu sameeyey deegaanku’.

Xoghayaha Guud ayaa muddo laba maalmood ah ku sugnaan doona dalka Pakistan si uu u indha-indheeyo xaaladda bini’aadanimo ee halkaas ka jirta. Xoghayaha ayaa sheegay in deegaanka ama daceebaddu ay tahay wax indho la’ oo mararka qaar aan bartilmaameedsan kuwa sida xun ula dagaalama ee ku xadgudba.

“Waxay la mid tahay in deegaankii [la dhibaateeyey] inuu bartilmaameedsaday cid khaldan. Waxay ahayd inuu bartilmaameedsado kuwa sida xun uga faa’iidaysta deegaanka, ee ka masuulka ah isbedelka cimilada, si ay ula kulmaan duruufahan oo kale” ayuu yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha ayaa sheegay in dalka Pakistan uu ka mid yahay meelaha sida daran ay u saameeyeen cawaaqibka ka dhashay isbedelka cimilada.

Dalkan oo ay ku nool yihiin in ka badan 220 million oo qof, ayaa haddana qiiqa uu hawada ku sii daayaa ay tahay 1% marka la barbardhigo qiiqa guud ahaan dalalka caalamku hawada ku sii daayaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...