Ciidamada Danab oo howlgal ka dhacay deegaanka Muabaarak ku dilay kuwa kalana ku Dhaawacay horjoogayaal sare sare oo katirsan Shabaab

Date:

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska XDS ayaa  howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Mubaarak oo ahaa barta ugu wayn ee gobalka Shabeellaha Hoose oo Al-Shabaab ay ku aruurinayeen Lacagaha ay baada ay uga qaadaan shacabka gobalkaas ku nool iyo dadka masaafurka ah ee adeegsada halkaas.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu dilay Horjooge magaciisa lagu soo koobay Carab, oo ahaa horjeege ku xigeenkii maleeshiyadaan ee deegaanka Mubaarak, waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay ku dhowaad 10-kale oo ka tirsan maleeshiyadaan oo ay ku jiraan Cusmaan Daa’uud oo ahaa horjoogihii ugu sareeyay maleeshiyada ee deegaanka Mubaarak iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Ow Maay Kaas oo maleeshiyadaan u qaabilsanaa dhaqaale aruurinta.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid bartilmaameed ah oo lagu beegsaday halka ay ugu yeeraan Argagixisada xarunta Maaliyadda, waxaana xilliga howlgalka uu dhacay ku sugnaa horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad Argagixiso ah” ayuu yiri sargaalka la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dad shacab ah lagu haystay xarunta dhaqaalaha Al-Shabaab ay ku aruurinayeen xilliga howlgalka laga samaynayay taas oo loo maleenayo in qasaaro uu ka soo gaaray in kastoo xog badan laga heyn.

 

Maalmihii danbe waxaa si weyn u kordhay howlgalada lagu bacsanayo kooxda Al-shabaab kaas oo si saf balaraan ah uga socda gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...