Ciidamada Danab oo howlgal ka dhacay deegaanka Muabaarak ku dilay kuwa kalana ku Dhaawacay horjoogayaal sare sare oo katirsan Shabaab

Date:

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska XDS ayaa  howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Mubaarak oo ahaa barta ugu wayn ee gobalka Shabeellaha Hoose oo Al-Shabaab ay ku aruurinayeen Lacagaha ay baada ay uga qaadaan shacabka gobalkaas ku nool iyo dadka masaafurka ah ee adeegsada halkaas.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu dilay Horjooge magaciisa lagu soo koobay Carab, oo ahaa horjeege ku xigeenkii maleeshiyadaan ee deegaanka Mubaarak, waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay ku dhowaad 10-kale oo ka tirsan maleeshiyadaan oo ay ku jiraan Cusmaan Daa’uud oo ahaa horjoogihii ugu sareeyay maleeshiyada ee deegaanka Mubaarak iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Ow Maay Kaas oo maleeshiyadaan u qaabilsanaa dhaqaale aruurinta.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid bartilmaameed ah oo lagu beegsaday halka ay ugu yeeraan Argagixisada xarunta Maaliyadda, waxaana xilliga howlgalka uu dhacay ku sugnaa horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad Argagixiso ah” ayuu yiri sargaalka la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dad shacab ah lagu haystay xarunta dhaqaalaha Al-Shabaab ay ku aruurinayeen xilliga howlgalka laga samaynayay taas oo loo maleenayo in qasaaro uu ka soo gaaray in kastoo xog badan laga heyn.

 

Maalmihii danbe waxaa si weyn u kordhay howlgalada lagu bacsanayo kooxda Al-shabaab kaas oo si saf balaraan ah uga socda gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...