Xeer-ilaalinta Maraykanka oo diiday in la faafiyo qoraal ay maxkamadda la wadaageen si loo baadho gurigii Trump

Date:

Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa Isniintii ka hortimi dedaallada lagu doonayey in lagu shaaciyo qoraal ay u direen maxkamadda oo markhaati fur u ahaa, sababaha ay ku doonayeen in maxkamaddu ay ugu ogolaato in la baadho guriga madaxweynihii hore ee Donald Trump ee ku yaalla gobolka Florida.

Waaxda Caddaaladda ayaa sheegtay in warqadda markhaatiga “affidavit letter” ee la xidhiidha baadhista ay sameeyeen ee loo diray maxkamadda, inay ku xusan yihiin “arrimo badan oo xasaasi ah” iyo weliba magacyada markhaatiyo aanay ahayn in xogtooda la shaaciyo.

Tallaabada ay qaadday Waaxda Caddaaladda ayaa timi ka dib markii dhawr hay’adood oo warbaahineed oo ay ku jirto wakaaladda wararka ee AP, ay xereeyeen codsi ku aaddan in la faafiyo warqaddii markhaati-furka ahayd ee Waaxda Caddaaladdu ay u gudbisay maxkamadda.

Juan Antonio Gonzalez oo ah xeer-ilaaliyaha dawladda Maraykanka ee gobolka Miami iyo Jay Bratt oo isna ka tirsan masuuliyiinta sarsare ee waaxda amniga qaranka ee Waaxda Caddaaladda, ayaa ku dooday in haddii la shaaciyo waraaqda ay ku lifaaqeen codsigooda, ee ay maxkamadda u direen, inay dhibaato weyn u geysanayso kiiska baadhista ah ee socda.

Xogta ay Waaxda Caddaaladdu la wadaagtay maxkamadda ayay ku xusan yihiin xog xasaasi ah oo ay ku jiraan, markhaatiyada ay dawladdu waraysatay, iyo weliba macluumaad kale oo sir ah oo ku saabtan xeerbeegti.

Waaxda Caddaaladda iyo garyaqaannada madaxweynihii hore ee Trump ayaa hore u ogolaaday in la baahiyo qaybo ka mida qoraalada loo gudbiyey maxkamadda ee la xidhiidhay baadhista lagu sameeyey guriga madaxweynihii hore ee Trump.

AP

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...