Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee Dugsiga sare.

Date:

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dowladdu ay sanadkaan ka qaaday ardayda dhameysatay waxbarshada dugsiyada sare ee dalka.

 

Waxaa loo diiwaan geliyey inay imtixaanka gelayaan Arday gaareysa 34,469 oo ardayd ah , balse waxaa u fariisatay 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.

 

Tirada baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ah ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay waa 32,325 arday oo u dhiganta 97%. Waxaa ku dhacay imtixaanka 1143 arday oo u dhiganta 3%.

 

1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka.

 

1 – Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa dhacday.

 

2 – Galmudug 7 arday ayaa dhacday.

 

3 – Jubbaland 6 arday ayaa dhacday.

 

4 – HirShabelle 6 arday ayaa dhacday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...