Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee Dugsiga sare.

Date:

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dowladdu ay sanadkaan ka qaaday ardayda dhameysatay waxbarshada dugsiyada sare ee dalka.

 

Waxaa loo diiwaan geliyey inay imtixaanka gelayaan Arday gaareysa 34,469 oo ardayd ah , balse waxaa u fariisatay 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.

 

Tirada baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ah ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay waa 32,325 arday oo u dhiganta 97%. Waxaa ku dhacay imtixaanka 1143 arday oo u dhiganta 3%.

 

1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka.

 

1 – Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa dhacday.

 

2 – Galmudug 7 arday ayaa dhacday.

 

3 – Jubbaland 6 arday ayaa dhacday.

 

4 – HirShabelle 6 arday ayaa dhacday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...