Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar kamid ah bulshada Caasimadda.

Waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee munaasabadda hadalka ka jeediyey, ayaa tilmaamay sababta ay madashan u qabteen, iyo sida ay ugu qanacsan yihiin Xukuumadda cusub, si loo sii ambaqaado daadaallada ku aaddan horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dadweynihii soo qaban qaabiyey munaasabadda, waxuuna xusay in xukuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu geyn doonto sidii bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan loo gaarsiin lahaa adeegga dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan abaaro ba’an oo saameeyey nolosha in ka badan hal milyan oo Soomaali ah, una baahan gurmad, isagoo baaq u diray ganacsatada iyo guud ahaan cid walba oo gacan ka geysan karta.

Munaasabadda waxaa sidoo kale, ka qayb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirro, Duqa magaalada Muqdisho, Agaasimiyaal, Odayaasha Dhaqanka, Haween, dhallinyarro iyo qeybaha kale ee bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...