Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta gudoonshay Shirka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle

Date:

Muqdisho,14, Agoosto, 2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoonshay Shirka Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle.

Shirka Golaha ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga, Dardargalinta Dhismaha Goleyaasha Deegaanka iyo Mashaariicda horumarinta Beeraha.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Amniga gudaha ka dhageystay warbixinta howgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda degmooyinka Maxaas iyo Matabaan oo laga gaaray guulo muhiim ah iyadoo nabad diidka laga xureeyay deegaaano badan.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka dhageystay warbixinta qorshaha kaga aadan dib u bilaabida dhismaha goleyaasha deegaanka iyadoo Wasaaradu sheegtay in dhowaaan ay bilaabi doonto dhismaha gole deegaan si bulshadu isu doorato.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa Golaha u soo gudbisay Warbixinta shaqooyinka socda ee lagu hagaajinayo Kanaalada biyaha iyo kuwa la rajeynayo in wax ka qabad lagu sameeyo, Wasaaradda Beeraha ayaa sidoo kale sheegtay in ay wadaan qorshe lagu horumarinayo beerista bariiska iyo dalagyada kala duwan oo faaiido wayn u leh bulshadeena.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Xubnaha Golaha Wasiiradda isagoo kula dardaarmay inay dardargaliyaan qabashada shaqooyinka culus ee horyaala.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...