Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kaddib Booqasho Rasmi Oo Uu Ku Joogay Dalka Uganda

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku joogay muddo afar cisho ah dalka Uganda ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalka Uganda waxa uu kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni, waxa ayna labada Madaxweyne si wadajir ah u shir guddoomiyeen Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsnayd fududeynta maalgashiga, kobcinta wax-soosaarka, xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha ee labada dowladdood.
Sidoo kale, wafdiga heer wasiirro ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku wehelinayey safarkan ayaa dhiggooda dalkaas la saxiixday heshiisyo lagu dhaqan-gelinayo go’aannadii ka soo baxay kulanka labada Madaxweyne iyo Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, si loo dardargeliyo qorsheyaasha hortebinta u leh labada dal ee shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga amniga labada dal iyo nabadda Gobol, si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...