Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo dhigiisa Dalka uganda oo kala saxiixday heshiis

Date:

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibriil Abdirashid Hagi Abdi oo qeyb ka ahaa weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Uganda, ayaa isaga iyo dhiggiisa dalkaas Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Iskaashatooyinka, Hon. Mwebesa Francis, waxay si rasmi ah u saxiixdeen heshiis is-af-garad oo u dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Uganda kaas oo ku saabsan iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Heshiiskan is-af-garad, ayaa kor-u-qaadaya xidhiidhka labada dal gaar ahaan iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha, iyada oo sidoo kale na uu abuuraayo maalgashi iyo shaqo abuur labada dhinac ah.

Sidoo kale, wuxu heshiiskani taaban doonaa dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, badda, xoolaha iyo warshadaha intaba, Iyada oo sidoo kalena ay Soomaaliya ay noqon doonto marin ay dawladda Uganda u marto dhaq-dhaqaaqyadeed ganacsi ee wadamada Yamen, Itoobiya, Jabuuti iyo weli ba dalka Hindia iyo guud ahaan wadamada bariga dhexe iyo kuwa Aasiya. Sidoo kale, taa beddelkeeda waxay Soomaaliya na ka faa’idaysan doontaa fursadaha ganacsi ee wadamada ku teedsan Great Lakes Region iyo weli ba bariga iyo badhtamadaha wadamada Afrika.

Soomaaliya iyo Uganda, ayaa ka wada tirsan ururadda iskaashiga Ganacsi ee gobolka Sida IGAD, COMESA , African Continental Free Trad Agreement, waxaana heshiiskani uu mar kale kor u qaadi doonaa fududeynta ganacsiga labada dal iyo is-dhex-galka dhinacyada dhaqaalaha iyo maal-gashiga intaba.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...