Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Warshad soo saarta qalabka Ciidamada Milateriga ee Uganda

Date:

Muqdisho, Ogosto 9, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan dalka Unganda ayaa booqday deegaanka Nakasongola oo ay ku yaallaan Warshadaha Luwero ee soo saara qalabka Ciidamada Milateriga ee Uganda.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Uganda ku bogaadiyey dadaallada wax ku oolka ah ee ay ku bixinayaan kobcinta wax-soosaarka iyo warshadaha dalkooda, taas oo dhiirri gelinaysa dalalka Gobolka iyo hal abuurka Shucuubta Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda iyo guud ahaan gobolka ay door firfircoon ku leeyihiin ganacsiga iyo wax-soosaarka Warshadaha dalalkan, waxa uuna ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ku garab istaagaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacasiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalkeenna.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku wehelinayey booqashadan, waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamed iyo Danjiraha dalkeenna u fadhiya Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...