Ra’iisul Wasaare Hamse oo qaabilay Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya

Date:

????????, ??, ???????, ????-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa kala hadlay xoojinta taageerada hay’adaha QM ay siiyaan Soomaaliya.

Wakiilka QM ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda oo shalay ay meel mariyeen Golaha Shacabka, isagoo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay hay’adaha QM in ay xoojiyaan taageeradooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir Maaliyadeed oo u dhexeeya DFS iyo IMF oo lagu soo gabagabeeyay Riyadh

waxaa maanta Magaalada Riyadh ee Boqortooyada Saudi Arabia lagu...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Golaha Wasiirrada oo bogaadiyey Ciidamada Puntland oo guulo ka gaaray dagaalka Khawaarijta 

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulen la yeeshay ku-simaha Madaxa UN Women

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliyeed -SoDMA mudane Maxamuud Macalin...