Kooxaha Argagixisada ah ee Al shabaab ayaa gubay Ceelashii biyaha ay ka dhaansan jireen dadka ku nool tuulooyin u dhaxeeya Maxaas iyo Baledweyne

Date:

Muqdisho-8-8-2022-:Dagaalyahano ka tirsan kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa bur-buriyay xaruunta ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku laheyd deegaanka Goobo oo qiyaastii 15-KM u jirta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Argagixisada  Al-shabaab ayaa gubay tuulooyin dhowr ah sida Teedaan, Bukure, iyo kuwo kale sida dadka deegaanka warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen,Sidoo kale dadka deegaanka ayaa soo tabinaya in Argagixisada Alshabaab ay gubeen ceelka Bukure oo muhiim u ahaa dadka ree Miyiga ah sidoo kalane xoolaha aay ka biyo cabi jireen.

Xildhibaaan Maxamed Cabduqaadir oo ka mid ah golaha Shacabka BJFS, ayaa waxaa uu shacabka iyo maamulka gobolka Hiraan ugu baaqay in wadajir loogu gurmado dadka ay dhibaateeyeen.

DAAWO MUQAALKA CODKA .

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...