Madaxweyne Hassan Sheikh oo ka guddoomay safiirka Qadar dhambaal uu uga siday Amiirka dalkaas

Date:

Muqdisho, Ogoosto 07, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Soomaaliya kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Qatar Mudane Xasan binu Xamsa Haashim, ayaa ka guddoomay Martiqaad uu uga siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim binu Xamad.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Safiir Xasan binu Xamsa farriin iyo salaan uu u diray Amiirka Dowladda Qatar, waxa uuna uga mahadceliyey mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen gudaha dalka, isagoo rajeeyey in dhambalkan iyo booqashada rasmiga ah ee uu ku tagayo dalkaas ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Xasan binu Xamsa Haashim ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha aqbalaadda martiqaadka uu u soo diray Amiirka Qatar, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa nuxurkiisu yahay sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin lahaa hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo xoojiinta xiriirka labo-geesoodka ah ee labada dal, kaasi oo ku dhisan walaaltinnimo iyo wax-wada-qabsi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...