Shiinaha Oo Go’doon Galiyay Taiwan.

Date:

Dowladda Shiinaha ayaa Saaka qaaday Tallaabo horay Khubaraddu u saadaalisay oo ahayd in ay Taiwan galin doonta xaalad go’doon ah.

Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday inay dhoollatus Militeri oo weyn ka sameyn doonto Hawada iyo Badda ku dhow Taiwan, si jawaab loogaga dhigo booqashadii ay halkaas ku tagtay Afhayeenka Golaha Wakiillada Mareyknaka, Nancy Pelocy.

Tallaabada Shiinaha ayaa u muuqata qorshe Dagaal oo uu ku doonayo in uu Taiwan ku galiyo xaalad go’doon ah si ay u joogsato tageerada Dalalka reer Galbeedka oo Mareykanku ugu horeeyo.

In ka badan 50 Duullimaad oo iskugu jira kuwo caalami ah iyo kuwa Jaziirada ah ayaa maanta oo Khamiis ah baaqday sababo la xidhiidha howlgalka iyo dhoollatuska Militeri ee Shiinuhu ka bilaabay Hawadda iyo Badda ku dhow Taiwan.

Wasaaradda Gaashaandhiga ee Ismaamulka Taiwan oo war soo saaray waxay sheegtay in ay heegan galiyeen Hubkooda difaaca Hawada si ay uga jawaabaan Gantaallaha Shiinuhu Saaka ku tuuray Taiwan.

Dhanka kale Taliska Ciidanka Mareykanka war ay soo saareen goor sii horaysay waxay sheegeen in Maraakiibta Dagaalka gaar ahaan Markabka Xambaaraha ah ee loo yaqaan USS Ronald Reagan uu ku wajahan yahay Badda Koonfur Bari ee Taiwan, taas oo cabsida sii kordhisay in kasta oo xeel dheerayashu qabaan in xiligan aysan u badneyn in Dagaal ay isku fara-saraan Shiinaha iyo Mareykanku balse taas ay ka dhowdahay in Shiinuhu go’doomiyo Taiwan.

Dalalka reer Galbeedka ayaa ku caan baxay inay xiisado ku furaan Dowladdaha yaryar ee aqoonsi raadiska ah si Quwadaha dalalka ay ka go’ayeen tallaabo uga qaadaan.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xili Dunidu wali ku jirto Dagaalka caalamiga ah ee Ukraine kaas oo bilaabmay kadib doonistii Ukraine ee NATO inay ku biirto halka jawaabtii ka dhalatayna ay noqotay Dagaalka Ruushku ku qaaday kaas oo sababay Masiibo caalami ah.

Ukraine ayaa markii hore isku helaysay Dalalka reer Galbeedka oo Mareykanku ugu horeeyo balse markii ay xaaladu faraha ka baxday Ukraine may helin taageeradii ay ka filaysay reer Galbeedka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, oo marar badan hadlay iyadoo xaaladu ku adag tahay wuxuu sheegay in Dalalka reer Galbeedku ay hayaan tageero hadal ah balse aan qalbiga ahayn.

Si kasta ha ahaatee Tallaabada iyo Xiisada ka cusub Taiwan oo isku helaynaysa reer Galbeedka waxay u muuqataa mid u eg tii Ukraine ka dhacday, haddii Shiinuhu duqeeyo Jaziirada.

Haweenaydii xiisadan hadda taagan ee culus abuurtay ayaa ka baxday Taiwan waxayna hadda ku sugan tahay Kuuriyada Koonfureed iyadoo kulamo la leh Madaxda Dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...