Madaxweyne Qoor-qoor oo furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug

Date:

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horeyso saameynta abaaraha, guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen afartii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan shanaad ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Dowladda Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...