Madaxweyne Qoor-qoor oo furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug

Date:

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horeyso saameynta abaaraha, guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen afartii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan shanaad ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Dowladda Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...