Madaxweyne Dani oo maanta Xariga ka jaray 4 mashruuc oo isugu jira Wadooyin  Laamiyo ah

Date:

Muqdisho- 01 August 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo ah 1-da August, oo loo dabaaldegayo sanad guuradii 24-aad ee aasaaska Puntland, wuxuu Garoowe ka daah-furay 4 mashruuc oo isugu jira Wadooyin  Laamiyo ah iyo qorsheyaasha Cagaarinta, Iftiiminta iyo nashaqdeynta magaalada.

Mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda ee saaka Madaxweynuhu daah-furay ayaa kala ah :-

* Xarig jarka Wadada laamiga ee cusub ee  jidka 30ka oo si casri ah loo dhisay.

* Dhaggax dhiga dayactir lagu sameynayo qeybtii hore u dhisneyd Wadada jidka 30-ka.

* Mashruuca cagaarinta iyo iftiiminta magaalada.

* Qorshaha nashqadeynta magaalada

 

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee socota, wuxuuna muujiyay in Dowladdu ay wakhti badan iyo dadaal gelisay, ayna ka go’antahay dhismeyaasha Wadooyinka iyo horumarinta adeega Bulshada loo hayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...