Madaxweyne Dani oo maanta Xariga ka jaray 4 mashruuc oo isugu jira Wadooyin  Laamiyo ah

Date:

Muqdisho- 01 August 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo ah 1-da August, oo loo dabaaldegayo sanad guuradii 24-aad ee aasaaska Puntland, wuxuu Garoowe ka daah-furay 4 mashruuc oo isugu jira Wadooyin  Laamiyo ah iyo qorsheyaasha Cagaarinta, Iftiiminta iyo nashaqdeynta magaalada.

Mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda ee saaka Madaxweynuhu daah-furay ayaa kala ah :-

* Xarig jarka Wadada laamiga ee cusub ee  jidka 30ka oo si casri ah loo dhisay.

* Dhaggax dhiga dayactir lagu sameynayo qeybtii hore u dhisneyd Wadada jidka 30-ka.

* Mashruuca cagaarinta iyo iftiiminta magaalada.

* Qorshaha nashqadeynta magaalada

 

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee socota, wuxuuna muujiyay in Dowladdu ay wakhti badan iyo dadaal gelisay, ayna ka go’antahay dhismeyaasha Wadooyinka iyo horumarinta adeega Bulshada loo hayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...