Madaxweyne Dani oo ka qeybgalay xuska munaasabadda 1-da August, sanad guuradii 24-aad ee Aasaaskii Puntland

Date:

Muqdisho-02 August 2022. Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay Xafladda xuska munaasabadda 1-da August, sanad guuradii 24-aad ee Aasaaskii Puntland, taasi oo caawa dhawaale loogu ururiyey dadka Abaartu saameysay.

Madaxweynaha ayaa hadaljeedintiisa taariikhiga ah caawa, ku muujiyay muhiimada ay leedahay in la xuso maalintii aynu Aasaasanay nidaamkan Dowladnimo oo dadka reer Puntland ku faa’ideen, Soomaaliya oo dhana wax tar u noqday.

“Hambalyo, waxaan isugu hambalyeeynaynaa 1-da August , oo sanad guuradii 24-aad ee kasoo wareegatay markii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed la dhisay, sidoo kale waxaan idinku hambalyeeynaya sanadka cusub ee Hijriyada ee Sabtidii dhashay.

Munaasabadda qaabka aan u xusnay wuu ka duwanyahay sidoo hore, oo waxaa aynu hambalyo kadib Lacag ugu ururineynaa gurmadka aynu u sameynayno dadkeenna Abaartu saameysay, waxaan ku baaqaya in la isu wada taago oo laga wada qeyb qaato gurmadka. ” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Wuxuu Madaxweynuhu Bulshada la wadaagay in dadka reer Puntland illaashadaan midnimada iyo Dowladnimada, isagoo ku baaqay in loo wada istaago oo laga wada qeyb qaato gurmadka Abaaraha oo Dowladdu hore ugu bilowday $1 Million, waxaana intaasi kadib munaasabadda oo ka duweyneyd Kuwii hore laga sameeyay lacag ururin loogu gurmadayo dadka Abaartu saameysay, Iyadoo qof walbo ka qeyb qaatay.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Ku-xigeennada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Qunsulka Dowladda Itoobiya ee Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga Abaaraha ee Puntland, Culimaa’udiinka, Qurbojoog, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...