Kenya oo Facebook ugu hanjabtay inay dalkeeda ka mamnuuceyso

Date:

Hay’adda ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya ayaa u qabatay shirkadda maamusha Facebook ee Meta muddo toddobo maalmood ah inay wax ka qabato waxa ay ugu yeertay hadallada nacaybka iyo kicinta ee la xiriira doorashada bisha soo socota, haddii kale laga mamnuucayo dalka Kenya.

Dalka ugu dhaqaalaha weyn Bariga Afrika ayaa ku jira ololihiisa doorashada kahor doorashooyinka madaxtinimo, sharci-dejinta iyo dowladaha hoose ee 9-ka Agoosto.

Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Global Witness ayaa warbixin ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in Facebook ay aqbashay oo ay tallaabo ka qaadday in ka badan 12 xayaysiis siyaasadeed oo kahor imaanaya shuruucda Kenya.

Guddiga qaran ee isku dhafka iyo isdhexgalka ee Kenya (NCIC) ayaa sheegay in warbixintu ay xaqiijineyso natiijooyinkeeda gudaha.

“Facebook-gu waxa uu ku xad-gudbay shuruucda dalkeenna. Waxay isu oggolaadeen in ay noqdaan kuwa horseeda hadallada nacaybka iyo kicinta, war-xumada iyo wal-walgelinta,” ayuu yiri Danvas Makori, oo ah guddoomiyaha NCIC.

“SHirkadda Meta ee Facebook waxa ay qaaday “tallaabooyin ballaaran” si ay meesha uga saarto hadallada naceybka ah iyo waxyaabaha xanafta leh, waxayna sii xoojinaysaa dadaalladaas kahor doorashada” ayuu afhayeen u hadlay shirkadda u sheegay Reuters.

“Waxaan leenahay kooxo u heellan dadka ku hadla Sawaaxiliga iyo tignoolajiyad ogaaneysa si ay nooga caawiyaan in si deg deg oo ballaaran looga saaro waxyaabaha waxyeelada leh,” ayuu yiri afhayeenku.

Taageerayaasha musharixiinta caanka ah ee madaxweynaha, hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka William Ruto, ayaa baraha bulshada u isticmaalaya in ay ku ammaanaan musharraxiintooda, kana dhaadhiciyaan dadka kale inay ku soo biiraan, ama ay ku eedeeyeen dhinacyada ka soo horjeeda dambiyo kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...