Taliska qaybta booliska gobolka Nugaal oo Burburiyey Khamri iyo Xashiish tiro badan oo Maxkamadda Garowe horay u xukuntay

Date:

MUQDISHO-30-7-2022-:Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal iyo Gudomiyaha gobolka oo ay weheliyaan xeer ilaalinta Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal iyo Culima’udiinka Magaladda ayaa meel Maanta goob  fagaaro ah ku burburiyay khamriga gaaraya 100 dhaloo oo DRY GIN iyo Khamriga gudaha dalka lagu farsameyo ee Calaqda loo yaqaano iyo Xashiish tiro badan oo ay ciidamadu qabteen.

 

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in xashiishkan qaar ka mida sidii Hadyadii loo soo farsameyay oo la rabay in ciidamada lagu khaldo halka kuwo kalana gaari yar daqadihiisa lagu soo qariyay.

 

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xussen Cali ayaa sheegay in har iyo habeen ciidamadu u tagan yihiin la dagaalanka Mandooriyaha wuxuuna xusay in bulshadana looga bahan yahay inay ciidamada garabsiiyan oo xogta la soo wadagaan.

 

Taliyaha qaybta booliska Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay ciidamadii Mandooriyahan soo qabtay iyo Sarakiisha ciidamada isagoona faray in shaqada sii laba jibaraan.

Booliska Puntland ayaa wada  howlgalo ka dhan ah kooxaha argagixisada AL-Shabaab iyo kuwa isticmaala waxyabaha maanka dooriye.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...