Madaxweynaha Galmudug oo Guddoomiyey shir looga hadlayey amniga deegaanada maamulkaas

Date:

Muqdisho-17-7-2022:Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay shirka Golaha Amniga ee Dowladda Galmudug, kaas oo ka qabsoomay Aqalka madaxtooyada Galmudug.

Shirkan oo lagu lafa gurayay amniga deegaanada Galmudug ayaa daba socda safar dhawaan uu madaxweynaha Galmudug ku tagay deegaanada furimaha ah iyo goobihii lagula dagaalamay argagixisada, kuwaas oo uu madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye kula soo kulmay shacabka iyo maamulka deegaanadaas.

Shirkan looga hadlayay amniga ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne kuxigeenka Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru Dowlada amniga ahna kusimaha wasiirka amniga, labada gudoomiye ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud, saraakiisha ciidamada ATMIS, saraakiisha ciidamada Qalabka Sida ee deegaanada Galmudug iyo maamulka degmada Dhuusamarreeb.

Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo dar dar galin lahaa sarana loogu qaadi lahaa amniga deegaanada iyo degmooyinka Galmudug, iyadoo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu warbixino iyo xogo amni ka dhageestay saraakiisha kala duwan ee ka soo qeyb galay shirka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka, sida geesinimada leh ee ay uga hortagaan falalka kadhanka ah aminiga, sidoo kalana waxuu ku booriyay ciidamada xoojinta baacsiga har iyo habeen ay ku hayaan argagixisada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...