Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Degmada Wasil ee Gobolka Mudug

Date:

Muqdisho,11,7,2022:Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo oo xalay soo gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa waxaa munaasabad ballaaran oo soo dhawayn ah loogu sameeyay degmada Wisil.

Madaxweynaha oo lahadlay shacabka degmada Wisil ayaa ku ammaanay shacabka iyo maamulka degmada Wisil oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Galmudug, sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen kooxaha argagixisada, sidoo kalana uga difaaceen deegaanada dariska la ah Galmudug.

Madaxweynaha ayaa xusay in goor dhow golaha deegaanka ee degmada Wisil iyo degmooyinka kale ee Galmudug la dhisi doono, isagoona ugu baaqay hay’adaha deeq bixiyayaasha iyo ganacsatada Galmudug in ay caawimaad deg deg ah lasoo gaaraan guud ahaan deegaanada Galmudug ee abaartu saameesay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...