Hirgalinta xarumo looga talagalay horumarinta waxbarashada culuumta diinta islaamka oo Gaalkacyo ka socanaya

Date:

Muqdisho-Juun-28-6-2022-:Xaruntaan oo qeyb ka Ah xarumaha loogu talagalay sare u qaadista Barashada culuumta diinta islaamka isla markaana dhismaheeda ay si isxilqaan ah uga qeyb qaadanayaan qaar ka mida culumada magaalada Gaalkacyo iyo ardayda dugsiyada qur’aanka oo iyagu baahi weyn u qaba helitaanka xarumo ay kaga faa’iideeysataan waxbarashadooda diiniga ah ayaa hataan dhismahooda ka socanayaa xaafada Howlwadaag ee Magaalada Gaalkacyo.

Qaar ka mida culimada howlwadeenka ka ah dhismaha xaruntaan loogu tala galay barasnada culuumta diinta islaamka oo la hadlay warbaahinta qaranka xilli ay ku booqatay halka uu ka socda dhismihiisa ayaa sheegay in haatan ay meel fiican mareyso dhismaha masjiidul baari iyo qeybaha waxbarashada loo diyaarinayo iyagoona codsaday in cid kasta oo alle dartiis wax u sadaqeysaneysa in ay ka qeyb qaataan dhameystirkiisa iyagoo dhanka kalana u mahad celiyay intii halkaan soo gaarsiisay

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...